Shirkii amniga Qaranka oo si rasmi ah uga furmi doona Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Kmg ah maamulka Koonfur-Galbeed,waxaa maalmaha soo socda ka qabsoomi doona shirka amniga Qaranka.
 
Shirkaas waxaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan madaxda Somalida oo idil heer Fadaraal iyo heer Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.
 
Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,ayaa la filayaa isaga iyo wafti uu hogaaminayo in ay gaaraan Baydhabo.
 
Shirkan oo muhiim ah dib u dhiska Ciidamada Qaran ee Somaliya,ayaa baaqday dhawr jeer oo hore kadib markii ay ka gaabiyeen madaxda Fadaraalku in ay ku qanciyaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah kasoo qaybgalkiisa.
 
Shirkii Brussels ee looga xaajooonaay dib u dhiska Ciidamada Qaran Somaliya oo ay tagaeerayso beesha caalamka,ayaa shuruud looga dhigay in Somalidu la timaado waxay heshiis ku yihiin.
 
Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa walaac xoog leh ka qaba hab dhaqanka madaxda Fadaraalka iyo qaybasho la’aanta deeqaha loou talagalay amniga Somaliya ee iskugu jira saanada Milatari,tababarada iyo dhaqaalaha ee ee ku soo dhaca gacanta Dowlada Fadaraalka ah.
 
Ajandaha shirka looga xaajoonayo oo idil News si hor dhac ah usoo gaaray ayaa qodobadiisa waxaa ka mid ah:-
 
 
1. Dhameystirka Qorshaha Aminga Qaranka.
 
2. Dood dhismaha iyo isku dheelitirka CXDS.
 
3. Qeybsiga hubka iyo Agabka caalamku ku deeqay.
4. Ansixinta wadaagga kheyraadka dalka sida macdanta iyo shidaalka.
 
5. Nidaamka dooroshooyinka 2020.
 
 
Si gogol xaar ah waxaa ajnadaha shirkaas usii diyaarinaya Wakiilo ka kala socda Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.