Video:-Gudiga difaaca Puntland oo bogaadiyay guusha Ciidamada difaaca fariina udiray Somaliland

Gudiga difaaca Puntland oo ka hadlay dhalinyaradii u dhalatay Hargaysa ee laga soo celiyay tahriibta dibna looga soo dajiyay Muqdisho,isla markaana diyaarad looga soo qaaday,balse Muuse Biixi udiiday in ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Hargaysa.
 
Sidoo kale Gudigu waxuu sheegay in hawlgalkii Sool uu wali sii socdo,dhibaatayntii shacabka Laascaanood ee maamulka Jeegaantuna uu sidiii wali usii jiro.
 
Gudigu waxuu shacabka Puntland gudo iyo dibadba ku baraarujiyay in ay ogaadaan dullaanka lagu soo qaaday sharaftooda iyo dowladanimadooda.
 
Ugu danbayn gudigu waxuu hanbalyo iyo bogaadin udiray Ciidamada difaaca Puntland ee har iyo habeen u taagan difaaca dalka,gaar ahaan kuwii sida xun u xasquuqay argagixisadii kusoo duushay Puntland maalmo ka hor,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka