Hot Topics

Video:-Maxaa kasoo baxay shirkii khamiislaha ahaa Ee Golaha Wasiirada Puntland?

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Safarka Madaxweynaha  ee Magaalada Baydhabo, Xeerka Biyaha Puntland iyo Warbixino Kale.

Amniga Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee Puntland  iyo duulaanka qaawan ee lagu hayo gobolka Sool, waxayna goluhu caddeeyeen inaan la  fiirsan karin  qaylo dhaanta iyo caburinta shacabka Laascaanood  lagu hayo ee lulaya Calanka Buluuga ah, iyagoo u taagan astaan midnimo iyo  wadajirka Ummada Soomaaliyeed.

Safarka Madaxweynaha ee Baydhabo:

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa uga warbixiyay golaha xukuumadda shirkii Aminga Soomaaliya ee Baydhabo wuxuu Madaxweynuhu sheegay in lagu heshiiyay dhisida ciidan  astaan qaran leh  oo ka fog  hayb iyo gobol, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu xusay in isfahan laga gaaray habka wadaaga kheyraadka Soomaaliya, gaar ahaan macdanta iyo shidaalka iyadoo loo marayo hannaan federal ah.

Madaxweynuhu sidoo kale wuxuu ka warbixiyay nidaamka geedi socodka doorashooyinka  2020 ee  Soomaaliya,  wuxuuna xusay inaan lagu noqon doonin qaababkii  hore ee lagu geli jiray doorashooyinka gaar ahaan 4.5

 Xeerka Biyaha Puntland:

Golaha xukuumadda ayaa loo qeybiyay xeerka biyaha Puntland  xeerkaas oo qeexaya ilaalinta iyo dhaqaaleynta keydka khayraadka biyaha wuxuuna  si gaar ah u xoojinayaa maareynta iyo horumarinta adeega biyaha Puntland.

Warbixino:

Ugu danbeyn wuxuu goluhu warbixin ka dhageytay Wasiiradda Caafimaadka, Shaqada iyo Shaqaalaha oo hawlo shaqo uga soo laabtay Geneva, sidoo kale goluhu wuxuu aqbalay heshiis ay wada gaareen  Wasaaradda Warfaafinta iyo Shirkada Golis oo ku saabsan Fiber Optic-ga,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka