Hot Topics

Shirqoolka SNM iyo maahsanaanta reer Awdal.WQ.Siyad Ismaan Shiikh.

Shirqoolka_CAMUUD waxa u ugu dambeeyay Sil-silad Shirqoolo go’doomin ah oo horay #AWDAL loogu maleegay.
 
Shalay, Xalay illaa saaka arday badan oo reer #Puntland ah ayaa Boorama kadareeray kiiyo waliba imtixaankii Jaamacadu u usocdo….Go’doominta BOORAMA maaha mid maanta bilaabantay.; waxa horay loo xidhay Airport kii magaalada, waxa horay loo xidhay Dekadii Somali ugu horaysay ee SAYLAC, Waxa horay loo xidhay oo Cashuur xoogle la saaray Gaaskii jabnaa ee dekada LUGHAYA kasoo Dagi jiray,
BOORAMA malaha Dariiq laami ah oo Ku xidha Xeebaha SAYLAC iyo LUGHAYA Waana gobolka kaliya een aan lahayn laami isku xidha Daafaha Gobolka.
 
Dadka Kagudbaya Xuduuda LAWYACADO iyo Jabuuti waxa Madoxooga Calaa Qof lagu cashuuraa 31 Dollar oo aanay Yuhuudana waligeed reer Falasdiin kaqaadin, ujeedadu waxay ahayd in Dadka Reer AWDAL ee Deegaanka ku an JABUUTI iyo AWDAL lafteeda lakala jaro si aanu ganacsi u dhexmarin iyo si loo joojiyo dadka faraha Badan ee BOORAMA usoo xagaa bixi jiray Dakhliga wayna soo galin jiray.
 
BOORAMA kuma Yaalaan: Xafiisyo Wasaarado Waxtar le, Xafiisyo haayadeed, Xafiis Qunsuliyadeed, Xafiis Safaaradeed, Xarumo idaacadeed, Xarumo Shirkado Ganacsi, Xarumo Shirkado Caymis ah, Xafiisyo Haayado Caalami ah, Xafiisyo Haayadaha UN ta HADANA waxa iskugu yimi:
Somalidii Koonfurta, Somalidii Jabuuti, Somalidii kilidhka, Somalidii PUNTLAND, somalidii Galmudug, somalidii Kenya, Somalidii Qurbaha, Somalidii Carabta, waxayna soo doonteen NABADDA BOORAMA iyo wax BARASHADA jaamacada #CAMUUD………..CAMUUDI waa Xafiiska kaliya ee Maanta BOORAMA kafuran ee shaqeeya.
 
Hadaba Maanta ayuu Socdaa shirqoolkaas waxaana Dirawal ka ah FAYSAL C.waraabe, waxa shirqoolka kula socda Canaasiir SNM kamida hadayna kuba wada jirin, waana sababta illaa iyo hada Maamulku aanu FAYSAL ugu jawaabin……….LAKIN halla Ogaado waxa Shirqoolkan Lasocda kumanaan kun oo ay CAMUUDI wax bartay Shirqoolkana kaga jawaabi doona Fikir huwan Aqoontii CAMUUDEED insha Allah..
 
 
Sayid Osman Sheekh Ibrahim