Laanta Socdaalka Itoobiya oo Xaafiis Basaboorada laga bixiyo ka furatay Jigiga

Laanta Socdaalka Itoobiya oo markii ugu horraysay taariikhda Itoobiya magaalada Jigjiga baasaboor ka bixisay.
 
Laanta socdaalka iyo jinsiyadda ee dalka Itoobiya ayaa xafiis baasaboorrada laga bixiyo ka furatay magaalda Jigjiga ee xarunta u ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
 
Dadka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhibaatooyin ay safar dheer ka mid tahay ka mudan jiray qaadashada baasaboorka oo ay Addis Ababa u doonan jireen.
 
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa bogaadiyay xafiiska cusub iyo adeeggan muhiimka ah ee dadka loo sahlay.
 
Waxaa muuqata in maamulka uu hogaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar ee haya talada Deegaanka Somalida Itoobiya uu ku guulaystay in uu abuuro maamul la aamini karo.