Raxan Safiirada Maraykanka caalamka Uu fadhiya oo iscasilaya

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Estonia James D Melville ayaa shaaciyay inuu xilkaas ka tagayo, tallaabadan  ayuu sheegay iney ugu wacan tahay siyaasadaha Trump uu kula dhaqmayo adduunka intiisa kale, gaar ahaan Midowga Yurub oo uu ku soo rogay canshuuro dheeraad ah.

Safiiro kale ayaa sidoo kale sheegay in aysan la shaqayn karin Trump, isla markaasna aysan matali karin Maraykanka iyada oo uu Trump madaxweyne ka yahay, waxaana ka mid ah safiirkii Maraykanka ee Panama u fadhiyay John Feeley iyo Elizabeth Shackelford oo Soomaaliya u qaabilsanayd Maraykanka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay ayaa xaqiijiyay in danjire Jim uu xilka ka dagayo 33 sano kadib oo uu xilka hayay.