Alshabaab oo madaafiic ku garaacay Baardheere

Al-shabaab ayaa Madaafiic ku garaacay degmada Baardheere ee gobalka Gedo.
 
ku dhawaad ilaa 10 Hoobiye ayaa ku soo dhacay deegaanka Fax Fax-dhuun ee duleedka degmada Baardheere.
 
Majirto xog dhab ah oo laga hayo inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.
 
Al-shabaab ayaa sheegtay in ey dukheeyeen Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayna Gaarsiiyeen Khasaaro..