Qarax ka dhacay Muqdisho goor dhawayd

Qaraxan oo ahaa miino Wadada dhinacaceeda lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Guutaale oo ku yaalla Wadada aada degmada Deeyniile ee ka tagta Kulliyada Jaale Siyaad ee degmadaas.
 
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta marayeen gaari ay wateen ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya balse aysan gaarin wax khasaaro ah.
 
Qaraxa kadib ayaa waxaa Ciidamadii saarnaa gaariga waxay fureen rasaas fara badan,iyadoo ay goobta gaareen markii danbe Ciidamo kale kuwaas oo haatan howlo baaritaano ah ka wada halkii uu qaraxa ka dhacay.