Video:-Agaasimihii hore ee waaxda maamulka iyo Maaliyada Wasaarada maaliyada Puntland oo xilkii wareejiyay

Agaasimihii hore ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland Maxamuud Saalax Axmed (Caato) ayaa Xilkii uu hayay ku wareejiyay Agaasimaha dhowaan loo magacabay ee Cabdi Fataax Cali Jamac Xilwareejintan ayaa ka dhacaday hoolka Shirarka iyo Xafladaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garowe

Xafladan Xilwarejinta,waxaa kasoo qaybgalay Agaasime ku xigeenka Guud Maamulk Wasaaradda Maaliyadda, lataliyaha dhanka wasiirka ee dakhliga, Agasimaha waxaad qorshaynta, Madaxqaybeedyada Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Agaasimihii hore ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Maxamuud Saalax Axmed (Caato) oo ugu horayn hal kaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu farax sanyahay in uu xilkii uu hayay ku wareejiyo Agaasimaha Cuusb ee loo soo magacabay kuna wareejiyay.

Mr Caato ayaa madasha kusoo bandhigay xog kala duwan oo ku aadan shaqadii uu hayay iyo Cadaymo Buug waxana uu urajeeyay Agaasimha Cusub in ilaahay ufudu deeyo xilkan loo magacabay

Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Cabdi Fataax Cali Jamac ayaa uga mahad celiyay sida wanagsan ee Agaasimihii hore Xilkan ugu wareejiyay waxana uu ka cod saday in ay la shaqeeyaan Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaraddu si uu uguto waajibaad kiisa shaqo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka