Video:-Afhayeenka W.Amniga”Dowlada Fadaraalku waa ku fashilnatay balanqaadkii sugida amniga”

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka Somalia. C/casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” oo ka hadlay Munaasbaad ka dhacay magaalladda Muqdisho waxa uu si kulul uga hadlay qaabka ay ku suurto-gashay inay Alshabaab ka gudbaan Kontoroolka Ammaanka ee la dhigay Isgoyska Sayidka, isla markaana lagu guul-daraystay Ballanqaadkii Sugidda Ammaanka.
 
“Suurto-gal ma aha inay Alshabaab si fudud uga gudbaan Kontoroolka, iyadoo la og yahay in Hooyada foosha haysa iyo Ardayda loo diido inay ka gudbaan Waddooyinka” ayuu yiri Afhayeenka, oo intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Jenraaladda ka tirsan Ciiddanka Dalka ka hadlaan sida looga soo gudbay Kontoroolka Zoonka 1-aad ee Isgoyska Sayidka.
 
Afhayeenka waxa kale oo uu eedeen u jeediyey Dowladda, isagoo tilmaamay in lagu fashilmay Ballanqaadkii Ammaanka ee loo sheegay Shacbiga Soomaaliyeed.
 
“Siyaasi danno gaar ah leh in beentiisa la dhegeysto, loona sacab-tumo Ballanqaadyadda beenta ah” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka Somalia.
 
Waxa uu intaasi ku daray inay Ummadda ka daaleen Raalli-gelinta Dowladda, mana jiro Mas’uul isku casilay fashil ka dhashay Xilkiisa.
 
Afhayeen C/casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” waxa uu tilmaamay inuusan Dowladda wax mushaar ah ka qaadanin 11-bilood ee uu Afhayenka yahay, isla markaana ay Boqoradda Ingiriiska biilayso Ubadkiisa.
 
“Waxaan ahay Aabe 13 carruur dhalay, waxaan doonayey inaan Ilmahayga baro inay dal leeyihiin, balse, Boqoradda ayaa biilaysa haddii aan dhinto” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.
 
Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka oo ka hadlaya arimahaas.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka