Video:-Prof-Samatar Oo taageeray gardarada maamulka Jeegaanta tagayna Gooja-cade

Prof-ka caanka ah ee wax ka dhiga jaamacadaha maraykanka Axmed Ismaaciil Samatar ,ayaa gaaray jiida hore ee Gooja-cade ee duleedka laascaanood,halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.
 
Laama garan karo sababta ku khasabtay in Prof aqoontiisu heer sare gaarsiisan tahay magacna ku dhex leh bulshada Somaliyed uu qayb ka noqdo dagaal gardara ah oo ay soo qaadeen beel kuna soo qaadeen Beel kale.
 
Prof Samatar,ayaa waayahan danbe u olalaynayay gooni goosadka Somaliland kadib markii uu kusoo fashilmay hankiisii raadinta kursiga ugu sareeya Somaliya ee Madaxweynaha Fadaraalka ah.
 
Fagaaryaal badan oo layskugu yimid iyo saxaafada Somalida horteeda ayuu ka jeediyay hadalo la yaab lahaa oo muran xoog leh dhaliyay,kuwaasoo ku salaysnaa cadaawad iyo aflagaado uu ugaysanayay shacabka Somaliyed ee koonfurta dalka.
 
Tagidiisa Gooja-cade iyo hadalkiisa uu ku garab istaagay maleeshiyada beesha Isaaq ee weerarka gardarada ah kusoo qaaday dhulka beelaha Harti ee Puntland waxuu ku noqon doona mid taariikhda si foolxun uu ugu galay lagulana xisaabtami doono.
 
 
Hoos ka daawo muuqaalka tagidiisa Gooja-cade.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka