Wasiirkii Awqaafta Dowlada fadaraalka ah oo shaqadii laga eryay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xasan Macallin Xuseen.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xil-ka-qaadista wasiirka.

Wasiir Xasan ayaa Wasaaradda Awqaafta loo magacaabay 24-kii May ee sanadkan, isagoo xilkaasi hayay muddo aan ka badneyn bil iyo bar. Durbaba lama magacaabin cidda beddeli doonta wasiirkan.

Muddooyinkan waxaa jiray muran weyn oo ka dhax taagnaa wasaaradda iyo sharikadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 5 shirkadood hore u siisay ruqsad la xiriirta daabulidda xujeyda Soomaaliya.

Waxaa jira hardan dhanka suuqa ah oo ka jira arrimaha xajka iyadoo muddo kooban ay naga xigto xilligii waajibkaasi ay Muslimiintu gudanayeen.