Hot Topics

Xoghayihii arimaha dibada dalka Ingiriiska oo is casilay

Xogahayaha arrimaha dibadda dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa xilka iska casilay iyadoo ismar-waa siyaasadeed ay ka horseedday dalkaasi istraatiijiyadda ka bixitaanka Midowga Yurub.

Waa wasiirkii labaad oo xil sare ka hayay Ingiriiska oo iscasilay saacado uun kaddib markii uu isna iscasilay David Davis oo ahaa xoghayihii uu qaabilsanaa arrimaha ka bixidda Midowga Yurub.

Iscasilaadda Boris Johnson ayaa imaanaysa xilli daqiiqo kaddib la filaya Ra’iisul wasaaraha UK inay khudbad ka jeediso baarlamaanka oo ku aadan qorshaha cusub ee ka bixitaanka Midowga Yurub.