Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Afgaanistaan

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, afar kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay bariga dalka Afghanistan.

Qofka ismiidaamiyey ayaa walxo qarxa oo uu jirkiisa kusoo xiray ku qarxiyey bar amniga laga maamulo oo ku taalla magaalada Jalalabad ee caasimaada gobolka Nangarhar ee ku teedsan xuduudda dalka Pakistan.

Afhayeen u hadlay gobolka, Attaullah Khogyani ayaa sheegay in sideed qof oo shacab ah iyo laba ka tirsanaa howlwadeenada sirdoonka dalka Afghanistan ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Goobjoogeyaal ayaa VOA u sheegay in shaqaalaha amniga ay baarayeen baabuur markii qofka isqarxiyey uu kusoo socday kadibna isqarxiyey.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Dhinaca kalena, weerar ay xalay fulisay ayey kooxda Taliban ku dishay taliyihii booliska degmo ka tirsan gobolka koonfur bari ee Ghazni.