Hot Topics

Golaha amaanka oo diiday qaraar dib U Eegis loogu samayn lahaa Cunaqabataynta Eretereya saaran

Wakaaladda wararka Reuters ayaa heshay qoraal loo gudbiyay Xubnaha golaha amaanka ee Q,M taaasoo lagu diidan yahay in dib u eegis lagu sameeyo cunaqataynta saaran dalka Eritrea.
 
Wakiiladda Q,M u fadhiya dalalka Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ingiriiska iyo Ivory Coast ayaa joojiyay qaraar ujeedkiisu ahaa in dib loo fiiriyo sida loo fududeyn karo cunaqabataynta mudada saaran dawlada Eritra.
 
Wakiiladaan ayaa inkastoo ay soo dhaweeyeen heshiiskii ay maalmo ka hor gaareen madaxda dalalka Ethiopia iyo Eritrea haddana waxaa ay walaac ka qabaan suurtagalnimada fulinta go’aanada looga baahdo dawlada Eritrea.
 
Qoraalka ay heshay wakaaladda wararka Reuters oo uu soo qoray danjiraha dawlada Sweden ayaa waxaa ku qoran inay muhiim tahay in markaan fursad tijaabo ah la siiyo xukuumadda Asmara hase ahaatee dibmolaasiyiinta qaar ayaa go’aankaas aad u diidan.
 
Danjiraha dawlada Ivory Coast ayaa aaminsan aragti ah in waxa ugu weyn ee dawlada Eritra ay tahay inay heshiis ka gasho muranka xaduuda la xariira eek ala dhaxeeya dawlada Jabuuti.
 
Jabuuti iyo Eritrea ayaa ayaa muran dhuleedka u dhaxeeya waxaa uu sababay dagaal aad u adkaa oo ay dawlado kale soo faro galiyeen.
 
Xukuumadda Ethiopia ayaa Isniintii codsaday in dawlada Eritrea cuna qabataynta laga qaado si ay dalalka gobolka wax ula qeybsato.
 
Q,M ayaa cunaqatayn dhaqaale iyo mid hubba saartay Eritrea sanadkii 2009 kadib markii xukuumadda Asmara lagu helay taageero siisay maxkamadihii Islaamka iyo Al-Shabab oo xilligaas aad ula dagaalamayay dawladii kmg aheyd sidoo kalena dalkeeda kusoo dhawaysay xubno hogaankii maxkamadaha ka tirsanaa
 
Xubnaha golaha amaanka ayaa qaraarka Eritrea la hor geyn doonaa marka la gaaro bisha November ee sanadkaan waxaana laga doodayaa in la kordhiyo waqtiga cunaqabataynta iyo in laga qaado.
 
In dalka Eritrea cunaqabataynta laga qaado ama loo sii cusboonaysiiyo waxay u baahantahay codadka 9 wadan ooh al dhinac isku raaca.