Baarlamaankii Fadaraalka Soomaaliya oo la fasaxay iyaga oo aan kulmin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka uu xirmay 10-kii bishan July oo shalay ku beegneyd.

Shalay ayuu  qorshuhu ahaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu soo xiro kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Shacabka, balse wuxuu u baaqday safar uu Madaxweynaha ugu maqnaa dalka Turkiga.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sida aynu la socono madaxweynaha iyo RW Soomaaliya,ayaa waqti badan iyo hanti badan geliyey sidii Golaha Shacabka looga dhigi lahaa mid hawlgab ah,

Arrintaas ayaa dhalisay in Gudoomiye Jawaari lagu cadaadiyo inuu is casilo. Dad badan ayaa arrintaan markii laga digayey u haystay in Dawladda la mucaaradayey.

Waraaqda halkan ku lifaaqan ayaa markhaati ka inuu bilowday qorshihii loo maleegay Baarlamaanka.

Xeel dheerayaal Sharci yaqaano ah ayaa caddeeyay in si kalfadhiga loo xiro ay lagama maarmaan tahay in uu Kooramka Goluhu uu xaadir ku yahay gudaha Baarlamaanka,hoos ka akhriso..

 

 

 

 

Halkan ka akhriso wareegtada