Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Belgium

Wafdigan uu hoggaaminayo madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgiumka.
 
Waftiga Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey Belgium Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale.
 
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gqaadan doona guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo.
 
Shirkan caalamiga ah ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho ee lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ay ku soo bandhigi doonaan arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.
 
Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona saddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.