Hot Topics

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Beesha Mudulood oo canbaareeyay Dowlada Fadaraalka

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah,ayaa warbixin looga dhageystay xildhibaannada labada gole oo odayaasha soo gaarsiiyey qeylo dhaan ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo siyaasadda hoggaanka dowladda hadda jirta, iyadoo sheegay in dalku ku socdo keli-talisnimo, taasoo halis gelin karta dowladnimada dib loo dhisayo ee Soomaaliya.

Xildhibaannda ayaa kulanka u sheegay in dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay qaadatay dariiq halis badan leh oo ah inay awood u adeegsado dowlad Goboleedyada iyo mucaaradka ka soo horjeeda, ujeedkeeduna yahay inay talada sii heysato, waxayna digniintooda ku sheegeen in haddii aan wax laga qaban xaaladda dalku ku socdo uu dalka dib ugu laaban doono xaalad mugdi ah.

Waxaa dhinaca odayaasha u hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka sheegay inay xaaladda dalka ka tashan doonaan, lana kulmi doonaan madaxda dowladda, wixii kasoo baxana ay dib ugu soo celin doonaan shirka iyo Beesha Mudulood si ay go’aan uga qaataan.

Kulanka ayaa ku dhammaaday iyadoo la isku afgartay in xaaladda dalku ku socdo iyo siyaasadda hoggaanka dowladda Federaalka ay u baahan tahay in degdeg wax looga qabto.

Waxaana siyaasiyiinta shirka ka qeybgalay ka mid ay ka mid ahaayeen Madax horay dalka xilal u soo qabatay sida:-

1.Cali Mahdi Maxamed,Madaxweynihii hore Somaliya.
2.Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), 
3.Duqii hore ee Muqdisho Cali Ugaas Cabadulle, 
4.Xasan Shiikh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Somaliya.
5.Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), 
6.Yuusuf Xuseen Jimcaale, 
7.Cadde Gaabow,

Xildhibaannada ka qaybgalay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1.Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, 
2.Senator Muuse Suudi Yalaxow, 
3.Xildhibaan Maxamuud Abukaato, 
4.Senator Cusmaan Dufle 
5.Senator Maxamed Amiin, 
6.Xildhibaan Mina Xasan Shibis.

Xigasho Jowhar.com

.