Hot Topics

Video:-Baarlamaanka Somaliland oo ansixiyay miisaaniyada 2019

Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey odoroska miisaaniyadii qaranka ee 2019-ka, waxaanay ka kooban tahay lacag dhan: 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo u dhigma 420 milyan oo dollar.

Kalfadhigan waxaa shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadirey lixdan xildhibaan oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Xildhibaanada golaha ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey miisaaniyada, waxaana u codeeyey 46 xildhibaan, 12 xildhibaana way diideen, hal xildhibaanna wuu ka aamusay gudoomiyuhuna ma codeyn,hoos akd aawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka