Hot Topics

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay saraakiisha AMISOM

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta kulan la qaatay Taliska ciidanka AMISOM qaybta 2-aad ee ka howlgasha Jubbaland.

Kulankooda,ayay uga hadleen Madaxweynaha iyo saraakiisha AMISOM xoojinta wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM sida is waydaarsiga xogaha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen in degmada Afmadow laga furo xero lagu tababaro ciidanka Jubbaland, iyadoo tababarkaasi ay bixin doonaan saraakiisha ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha Dowlad Jubbaland Axmed Madoobe oo xalay ku hoyday degmada Afmadow,ayaa sheegay in uu halkaasi u tegay dardar gelinta howlgalka Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.