Madaxweyne Cagjar iyo Axmed Shide oo heshiis gaaray

Kadib khilaaf xoog badan oo ka dhex qarxay Maamullka Somali State ee Jigjiga,ayaa Xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya soo dhex galay,isla markaana iskugu keenay kulan.

Kulanka layskugu keenay Madaxwaynaha Somali State Mustafe Maxamed Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga Axmed Shide oo socda in mudo ah,ayaa soo gabagaboobay goor dhawayd.

Wali nama soo gaarin xogta rasmiga ah ee waxa laysku afgartay,balse waxaa loo badinayaa in uu heshiis ay gaareen dhinacyadu.

La soco warkayaga danbe