Ku dayo Puntland:waxaa qoray maqaalkan Cabdi Ceynte Wasiirkii hore ee Qorshaynta:

Bismillah,

#Puntland way muteysatay maqaamka sare ee loogu mashxaraday. Waxaanse oran lahaa: sida ugu habboon ee loogu dabaal-dago horumarka Puntland waa in looga daydo dhaqanka siyaasadda.

Libinta Puntland waxaa saldhig u ah shan qodob: 
a) Hoggaanka dhaqanka oo kaalintiisii nabadoonnimo gudanaya.
b) Beelaha deegaanka oo dibu heshiisiin dhab ah gaaray. 
c) Saamileyda deegaanka oo si wadar-oggol ah u qortay dastuur ay isku xakameeyaan, kuna dabraan qooqa silloon ee siyaasiyiinta.
d) Haldoorka deegaanka oo oggolaaday inay ku dhex tartamaan xeyndaabka dastuuriga ah, iyo midka hoggaanka dhaqanka.
e) Bulshada oo iimaansaday deegaankooda isla markaana aan dayicin kaalintoodii heer qaran.

Arrimahaas waxay horseedeen in Puntland ay tahay maamul-goboleedka kaliya ee dowladdiisu ka taliso gabi ahaan (ama in ka badan 95%) dhulkeeda, si dimoqraadi ahna u doortay 5 Madaxweyne 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Masuuliyiinta maanta Garowe isugu tagay badankood (haddii aysanba dhammaantood aheyn) ma jiro mid gobolka uu kasoo jeedo booqan kara. Dhammaantood hal magaalo (ama xaafad!) ayay AMISOM magan ugu yihiin. Xiisado siyaasadeed ayaa aalaaba deegaankooda/maamulkooda ka aloosan.

Ma hubo in si ku talagal ah munaasabadda caleema saarka loogu beegay 26-ka January, balse 28 sano kahor maanta oo kale ayaan ku heshiin waynnay dowladnimadii dalka. Cid ka macaashtay ma jirto, balse casharro qaraar ayay tahay inaan ka baranno. Waxaa ugu muhiimsan: “Walaalow waxay ku dhaanto lasoo waa”. Wadar-oggolku waa habdhaqan la tijaabiyey oo hirgalay.

Masuuliyiinta Garowe isugu tagay maanta, intaas haka kororsadaan Puntland.
Ku Dayo Puntland: