Hot Topics

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Digniin adag u diray Ganacsatada (DHAGEYSO)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa digniin adag u diray Ganacsatada ku dhaqan Degaanada Puntland, Isagoona sheegay in aysan u dulqaadan doonin in la bixin waayo Canshuurta ku waajibtay.

Wasiir Xasan Shire Abgaal oo maanta la wareegay Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Ganacsatada iyo Shacabka Puntland inay bixiyaan Canshuuraha Waajibka ku ah, si loo helo nidaam dowladeed oo xooggan.

Waxaa uu sheegay inay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, ay daah furayso Dhaqaalaha Dowladda u soo xarooday iyo sida ay ku bixiso, isagoona taa bedelkeeda dalbaday in la bixiyo Canshuuraha.

Dhanka kale, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, ayaa sheegay inay si joogta ah u bixin doonaan Mushaaraadka Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda, si loo tayeeyo Howlaha muhiimka ah ee Shacabka loo hayo.

DHAGEYSO.

Wasiirka cusub ee Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal.

IDIL NEWS