Shir muhiim ah oo ka furmay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u furay shirka heerka sare ee deeq-bixiyeyaasha ee taageeridda Istiraatiijiyadda Wacyi-gelinta Qaranka.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ah masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin matalayey Beesha caalamka oo ay kamid yihiin Safiiro iyo Wakiilo kale.

Shirka ayaa inta uu socdo diiradda lagu saarayaa Taageeridda Wacyi-gelinta Qaranka oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Sawirro.

IDIL NEWS