Ciidamada PSF-ta Puntland oo fashiliyay Weerar ku Wajahnaa Fariisimaha Ciidamada ee Buuraleyda Bari (Sawirro)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa Shaaca ka qaaday inay Fashiliyeen Weerar ay qorsheynayeen in Kooxaha Argagixisada ah ay ka geystaan Saldhigyada Ciidamada Difaaca Puntland ku lee yihiin Buuraleyda Gobalka Bari.

Qoraal kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Ciidamada PSF-ta, ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Buuraha Cal Madow lagu fashiliyay Weerar ku soo wajahnaa goobaha ay ciidamada anmniga Dowladda Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow ee gobolka Bari.

“Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa fuliyey hawlgallo ay kaga hortagayaan argagixisada ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer,kuwaas oo damacsanaa in ay soo weeraraan goobaha ay ciidamada Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka lagu faafiyay Barta Facebook ee Ciidamada PSF-ta.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-­ta ayaa bilaabay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, tan iyo markii Shabaab bishii June 2016 weerar kusoo qaadeen saldhigii ciidanka Daraawiishta Puntland kulahaayeen deegaanka Af­urur ee dhanka Koofur Galbeed kaga toosan magaalada Boosaaso .

Sawirro.

IDIL NEWS