Dowladda Burundi oo diidan inay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Dowladda Burundi ayaa si toos ah uga soo hor jeesatay Qorshaha la doonayo in 28-da bishan looga saaro Soomaaliya, 1000 Askari oo kamid ah Howlgalka AMISOM, kuwaas oo kasoo jeeda Dalka Burundi.

Safiirka Burundi u fadhiya Ethiopia Dieudonne Ndabarushimana, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay Dood sax ah ka qabto in Ciidankeedu ay Soomaaliya ka baxaan, Isagoona hadalkaan sheegay kaddib markii Burundi loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa.

Xubinnimadaan ayaa xukuumadda Bujumbura waxay u aragtaa in ay ugu doodi karto 1000-keeda Askari ay howgalka kasii mid ahaadaan.

Dowladda Brundi waxaa ay ku doodeeysaa in ka bixitanka Soomaaliya ay u sinaadaan dhamaan Dalalka qaybta ka ah Howlgalka AMISOM, balse aan lagu koobin Ciidankeeda oo kaliya.

Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya lacag adag ayey soo galiyaan Dalkooda, 18 million oo dollar ayey Dowladoodu ka heshaa midowga Africa Afar biloodba ama rubac sanad walba, sida lagu daabacay warbaahinta The East Africa.

In la dhimo ciidanka AMISOM waxaa faray Qaraar kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobay, Balse Dowladda Brundi ayaa u aragta in lagu ciqaabayo Doorashadii uu mar sedexaad xafiiska ku qabtay Pierre Nkurunziza.

Horay Afayeenka military-ga Burundi ayaa sheegay in ay sicad u diidanyihiin in Ciidankoodu ay Soomaaliya uga baxo hanaan loo sinneeyn.

IDIL NEWS