Hot Topics

Wasiir Abgaal oo Amar siiyay Madaxda Baarista guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda DPL (Sawirro)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa kulan laqaatay madaxda Baarista guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire iyo madaxda kale ay wax kaga ogaanaayeen shaqada ay qabtaan Madaxda Baarista dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxda Baarista dakhliga ayaa soo bandhigay habka ay uga shaqeeyaan gobolada Puntland,xogta ay hayaan iyo caqabadaha jira ee dhanka shaqada.

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa madaxda Baarista dakhliga siiyay fulin awaamiir Cusub oo ku aadan shaqadooda

Sidoo kake, Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa madaxda Baarista dakhliga usheegay in baaristoodu noqoto ilaha dakhliga iyo ka hortaga khaladaadka in shaqaalaha dakhligu baal maraan shuruucda shaqada utaala.

kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda,Wasiirku Xigeenka dakhliga,Agaasimaha guud iyo madaxda Baarista dakhliga.

Sawirro.

IDIL NEWS