Hot Topics

Gaalkacyo: Laamaha ammaanka oo lagu amray soo qabasha Gaarigii lagu keenay Meydka Caasho (Akhriso)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Maxkamada Darajada Koowaad ee Magaalada Gaakacyo  ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa xukuntay in la soo qabto Gaari lagu tuhmayo in lagu keenay Meydka Rabbi ha u naxariistee Caasho Ilyaas Aadan.

Gaariga oo Sumadiisa lagu Sheegay GG-682, ayaa Maxkamaddu Sheegtay in la tuhunsan yahay in lagu keenay Meydka Caasho Ilyaas oo aheyd Gabar Da’deedu tahay 12 jir oo kufsi iyo dil loogu geystay Maalin kahor Magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa Sheegtay in Gaariga uu Magaciisu ku qoran yahay Yaasir Aadan Cali, waxaana Maxkamaddu ay amartay Booliska Gaalkacyo iyo dhamaan laamaha ammaanka Dowladda Puntland in gacanta lagu soo dhigo Gaarigan

Akhriso Waraaqda Soo Qabashada ee Kasoo baxday Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gaalkacyo.

IDIL NEWS