Goormee lasoo dhisayaa Golaha Degaanka Magaalada Gaalkacyo ? (Akhriso)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda ee Dowladda Puntland, ayaa shaacisay Xilliga la qabanayo Doorashada Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka cusub Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa lagu War-geliyay Maamulka Gobalka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo iyo Odayaasha dhaqanka in Doorashada Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo ay dhaceyso 25 bisha March ee soo socota.

“Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan masuuuliyiinta ay warqaddani sida toosk ah ugu socoto iyo kuwo ogeysiinta ku lehba in la dhisayo gollaha degaanka degmada Galkacayo 25/ 03/2019 haddii allah idmo. iyadoo la wafajinayo sharciga NO 7, qodobkiisa 15aad firadiisa 15.2.1 ee dowladaha hoose” ayaa lagu yiri Waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland

Akhriso Waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

IDIL NEWS