Hot Topics

Maxaa ka jira in uu is-casilayo Wasiirka Socdaalka Canada ?

TORONTO (IDIL NEWS)-Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen ayaa beeniyay warar ay isla dhex-marayay muddooyinkii u dambeeyay Warbaahinta Canada, kuwaas oo la xiriira inuu is casilaad sameynayo.

Axmed Xuseen, Wasiirka Socdaalka Canada oo warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa sheegay inuu si buuxda ugu Kalsoonyahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

Wasiir Axmed ayaa tilmaamay inuu shaqada sii heynayo uuna aaminsan yahay in Justin Trudeau uu sii wado maamulka dalkiisa, xili uu wajahayo fadeexad dhinaca Siyaasada ah, taasoo Xisbi ahaan u heysata.

“In la sameeyo iscasilaad waxba soo kordhin meyso, ma doonayo inaan ka tago shaqadeyda waayo kalsooni buuxda ayaan ku qabaa ra’iisul Wasaare Justin Trudeau” ayuu yiri Wasiir Axmed Xuseen

Warbaahinta Dalka Canada ayaa aad u raadinaya Wasiirro ka goosta ama iska casila Xukuumadda Trudeau, iyaga oo xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga Canada Axmed Xuseen, inkastoo aysan ka helin waxa ay ka filanayeen.

IDIL NEWS