Hot Topics

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Dhaq-dhaqaaqyada Somaliland ka waddo G. Sanaag (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si kulul uga hadlay Dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Somaliland ay ka wadaan Degaano kamid ah Gobalka Sanaag.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Shirka Jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub ee Puntland oo saaka ka fumay Garoowe, ayaa Sheegay in Shacabka iyo Dowladda Puntland ay in badan ilaaliyeen Daris Wanaaga, Isla markaasna ixtiraameen Baaqyo uga imaanayay Saaxibada daneeya amniga iyo Xasiloonida Gobalka.

Waxaa uu sheegay in Somalilan ay kordhinayso maalinba maalinta ka dambeysay Daan-daansiga iyo Dulaanka ay kusoo qaadayso Dhulka Puntland, taasna ay tahay mid aan la aqbali Karin.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay inay ka jawaabi doonaan daandaansiga Somaliland, isagoona ugu baaqay Shacabka inay ilaashadaan amniga iyo Midnimadooda una istaagaan inay difaacdaan, garab istaagaana Dowladooda.

Daawo.

IDIL NEWS