Hot Topics

Maxaad kala socotaa Caqabadaha hareeyay Safarkii Madaxweynaha Jabuuti ee Muqdisho ? (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Danjire Maxamed Nuur Caalim, oo falanqeeya Arrimaha Siyaasadda Geeska Africa iyo Caalamka, ayaa shaaca ka qaaday sirihii ku duugnaa Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Danjire Caalim ka qeyb-galayay Barnaamij looga hadlay safarkii Madaxweyne Geelle ee Muqdisho, ayaa sheegay in safarkaasi ay ku duugnaayeen siro siyaasadeed oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya iyo Dabeylaha Siyaasadeed eek a socda Gobalka Geeska Africa uuna Hoggaaminayo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy ahmed.

Waxaa uu sheegay in safarkan oo ahaa mid muhiimadiisa leh ay hareeyeen Carqaladaha Siyaasadeed eek a jira Soomaaliya gaar ahaan kala fogaanshaha ka dhex jira Hoggaamiyaasha Baarlamaanka, Madaxda Xukuumadda iyo Madaxda Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Danjire Caalim ayaa ku dheeraaday Is-bedelada ka socda Gobalka Geeska Africa iyo in Soomaaliya ay mar walbaa tahay mid u nugul dhaawacyo kasoo gaara Mowjadaha Siyaasadeed ee ay Hoggaaminayso Itoobiya oo damac soo jireen ah ka leh Soomaaliya.

Halkaan Hoose Ka Daawo Wareysiga oo Dhameystiran.

IDIL NEWS