Hot Topics

Gen. Indha-qarshe oo Tuugo ku sheegay Saraakiisha Ciidanka weli gadoodsan (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay go’aansatay in la sameeyo ciidan tiro kooban oo loo sameeyo qorshe sax ah.

General Indho-Qarshe Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku tilmaamay ciidamada gadoodka ku jira  kuwo aan damiir lahayn.

“Mustaqbalka ciidanka ayaan u soconaa, dowladda waxay u socotaa mustaqbalka ciidanka, aad ayaana ugu amaanayaa go’aanka ay qaadatay dowladda, waxaan ogahay inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn,qabiilku dilooday, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka baxayo ciidanka”.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya qaadatay uu yahay mid wanaagsan oo lagu hagaajinayo ciidamada saxda ah ee dalka uu leeyahay.

Hadalka Gen. Indha-qarshe ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay gadoodka ay sameeyeen qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka ee gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe, kuwaasoo ka cabanaya mushaar iyo raashiin aysan helin muddo afar bilood ah.

Daawo.

IDIL NEWS