Hot Topics

Itoobiya “Waxaan fashilinay Weerar Shabaab ka geysan laheyd Addis Ababa”

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Dowladda Itoobiya ayaa maanta shaacisay in Ciidanka Sirdoonka dalka Itoobiya ay ka hortageen weerar Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay ka geystaan Magaalada Addisa Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa  sheegay weerar argagixiso oo laga fulin lahaa qaybo ka mid ah magaalada Addis Ababa in la fashiliyey, shaqsiyaadki weerarkaasi fulin lahaana gacanta lagu dhigay.

Birhaanuu Seggaaye ayaa xusay in  shaqsiyaadka falkaasi loo qabtay ay yihiin kuwa xiriir la leh ururka Al-shabaab ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha Soomaaliya.

Shaqsiyaadka la qabtay oo aan tiradooda la shaacinin xeer ilaaliyaha wuxuu ku sheegay iney doonayeen iney qaraxyo ka sameeyaan goobaha ay dadku ku badan yihiin balse inta ay falka fulin ka horba gacanta lagu soo dhigay.

“Shaqsiyaadka la qabtay qaarkoodna waxaa la sheegay iney xiriir la leeyihiin ururrada xagjirka ee caalamka ka jira” ayuu yiri Birhaanuu Seggaaye.

“Sida ay wax u damacsanaayeen haddii ay wax u dhici lahaayeenna waxaa ka dhalan lahayd khasaaro naf iyo maalma leh” ayuu hadalkiisa kusii daray.

IDIL NEWS