Xildhibaan Fowsiyo “Muqdisho waxaa loo qeybiyay 4 Qeybood, Qaraxyadiina wey socdaan” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujisay Xaaladda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada waxa ay sheegtay in haween badan ay ku umuleen Wadooyinka ka dib markii loo diiday in ay maraan Wadooyinka Muqdisho.

Fowsiyo ayaa xustay in Magaalada loo kala qeybiyay 4 qeybood, islamarkaana wali ay socdaan Qaraxyadda iyo dilalka ay geystaan Al-Shabaab.

Xildhibaanadda ayaa ugu dambeyntii tilmaamtay in loo baahan yahay in la furo Wadooyinka si aan loo ciqaabin dadka Shacabka.

Daawo.

IDIL NEWS