Hot Topics

Boosaaso: Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo Tababar loo furay

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa loo qabtay Tababar ku aadan ololaha dakhliga iyo kalsooni galinta Shacabka.

Tababarkan ayaa looqabtay shaqaalaha ka hawal gala xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay Magaalada Boosaaso

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee looqabtay tababarkan ayaa tiro doodu kor udhaftay labatan waxana lagu qabtay Hoolka shirarka Wasaaraddu ku leedahay Magaalada Boosaaso.

Tababarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasime kuud xigeenka dakhliga Xasan Cali Samatar Madaxa shaqada iyo shaqaalaha C/rishiid Axmed Nuur iyo Masuuliyiin kale.

Xasan Cali Samatar Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga ayaa shaqaalaha loo qabtay kula dardaarmay in ay wakhti fiican galiyaan tababarkan loo qabtay.

Ruqiyo C/casiis Maxamed oo ah macalimada fulin doonta tababarkan ayaa oo hal kaasi ka hadashay ayaa sheetay in ay ku farax santahay in ay Boosaaso timaado tababarkana ka fuliso shaqaalahana ka codsatay in ay la shaqeeyaan.

shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee loo qabtay tababarkan ayaa siwayn ubaran doona casharo la xiriira shaqada dakhliga iyo fahamka bulshada.

Tababarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee looqabto shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda aydoo lafilayo in laqaban doono Tababaro noocan oo kale ah.

Tababarkan waxaa fulinaaya Xafiiska PFM Public financial management oo taageero ka helaaya World bankga.

IDIL NEWS