Guddoomiye Ismaaciil “Puntland waa Hoggaanka Waxbarashada iyo Siyaasadda Soomaaliya” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)- Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa si kulul uga jawaabay Hadal kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku aadanaa inay Puntland diiday ka qeyb-galka imtixaanka Shahaadiga ah ee ay Wasaaraddiisu diyaarisay.

Guddoomiye Ismaaciil Warsame, ayaa sheegay in Hadalka C/llaahi Goodax Barre uu yahay wax lala cajabo, uuna u maleynayo in uusan si fiican u akhrin Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in hadalkiisu uu u muuqday Hanjabaad maran oo uu u jeedinayo Shacabka Degaanada Puntland, isagoona ugu baaqay in uu meel fagaare ah ka raalli-geliyo Dadka Puntland, uusana ku cayaarin sumcadiisa.

Ugu dambeynta, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay tahay Hoggaanka Waxbarashada iyo Siyaasadda Soomaaliya, aysana cid marti uga aheyn.

Daawo.

IDIL NEWS