Addis Ababa: Ra’iisulwasaare Abiy oo Magacaabay Wasiiro cusub

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilal Wasiiro u magacaabay Siyaasiyiin caan ka ahaa Gobolada Amxaarada iyo Oromada dalka Itoobiya, iyadoo is bedelkan cusub lagu tilmaamay mid lagu yareynayo culeysyo siyaasadeed oo soo wajahay Maamulka Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Gedu Andargachew oo ahaa Madaxweynihii Ismaamulka Gobolka Amxaarada, waxaana uu bedelayaa Wasiirka xilka banneynaya Mr Workneh Gebeyehu oo noqonaya Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa loo magacabay Lemma Megresa oo ahaa Madaxweynihii Ismaamulka Oromada.

Waxaa kaloo Wasiirka Horumarinta iyo Dhismaha loo magacaabay Haweeney lagu magacaabo Eng. Aish Mohammed.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay magacaabida Wasiiraddan, iyadoo markii la ansixiyay la hor dhaariyay Baarlamaanka.

IDIL NEWS