Hot Topics

Gabadh murashaxnimo madaxweyne ku wayday filo uu sameeyay abaaheed.

Maxkamadda dastuurka ee Guatemala ayaa tartanka madaxweynenimada ka hor istaagtay gabadh uu dhalay hoggaamiyihii hore ee milatariga ahaa Efraín Ríos Montt.

Zury ayaa ka mid ahayd murashaxiinta ugu cadcad ee u ol’olaysanaya doorashada 16 Juunyo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dastuurka Guatemala uu madaxweynenimada ka hor istaagayo qaraabada hoggaamiyeyaasha xukunka maroorsada.

Xiligii uu hoggaanka hayay Efraín Ríos Montt 1980-yadii ayaa loo arkaa mid ka mid ah wakhtiyadii ugu qalafsanaa ee soo mara dagaalkii sokeeye ee Guatemala, wakhtigaas oo cagta la mariyay tuulooyin dhan oo ay daganaayeen qawmiyadda Mayan.

Jeneraal Rios Montt ayaa awoodda maroorsaday 1982 markaas oo uu dhacay afgambigii d’état, wakhtigaas-na waxaa socday dagaal u dhaxeeyay dawladdii milatariga ahayd iyo jabhado.

Waxaa lagu eedeeyay in uu amray in la laayo1,700 ruux oo ka soo jeeda qowmiyadda Mayans, kuwaas oo xukuumaddiisu ay u aragtay in ay gabaad siinayeen jabhadaha.

Jeneraalkii waxaa xukunka ka tuuray wasiirkiisii difaaca bishii Agoosto ee sannadkii 1983, 30 sano ka dibna wuxuu noqday qofkii u horreeyay ee isaga oo madaxweynenima soo mara dacwado xasuuq lagaga soo oogo dalkiisa.

Waxaa lagu helay dambi, balse markii dambe xukunkaas waa meesha ka saartay maxkamadda sare ee Guatemala.

Wuxuu geeriyooday 1 bishii Abriil ee sannadkii 2018kii isaga oo 91 jir ah, lix bilood uun ka dib markii dib loo soo celiyay dacwaddaas.

Hubaanti la’aanta oo sii socota

Gabadhiisa Zury Ríos ayaa ahayd murashaxad ay siyaasaddeedu garabka midig u janjeerto oo ka tirsan xisbiga Valor.

Qaraabada dadkii boqolaalka kun ee ruux ahaa ee la laayay oo u badnaa dadkii asalka u daganaa dalkaas ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay maxkamaddu ku hor istaagtay Zury.

Zury ayaa mar hore sheegtay in tartanka oo laga hor istaago aysan meel uga dhacayn xaquuqdeedii oo kali ah balse ay sidoo kale meel ka dhac ku tahay taageerayaashii rabay in ay u codeeyaan