Shirkadda Facebook oo soo rogaysa ganaax saamayn doona Soomaalida.

Mas’uuliyiinta Shirkadda Facebook-ga ayaa sheegay in dadka ay u aragta inay baalmareen shuruucdeeda ay gebi ahaanba ka mamnuuci doonaan inay si toos ah wax uga baahiyaan Facebook-ga.


Facebook Live ama muuqaalada tooska ee laga baahiyo Facebook oo Soomaali badan ay adeegsato ayay shirkaddu sheegtay in qofkii lagu helo ” Inuu dadka la wadaago xog la xiriirta falalka argagixisanimada ama muuqaallada dilka” laga joojin doonaa Facebook Live-ka, iyadoo muddo dhan 30 malamood laga xannibi doono in Facebook uu si toos ah wax uga baahiyo.


Inkastoo Soomaali badan ay adeegsadaan muuqaalada tooska, kuna soo bandhigaan waxa markaas dhacaya ama aragtidooda ku aadan siyaasadda iyo arrimaha kale ee taagan ayaa haddana waxaa jira kuwa kale oo soo dhiga muqaallo la dhibsado, taas oo haatan u muuqata in shirkadda Facebook ay dooneyso inay tallaaba ka qaado.