Xoghayaha Qaramada midoobey oo umagacaabay Somaliya wakiil miisaan culus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wakiil cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kadib muddo lix bilood ah oo xilkaasi uu bannaanaa.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa loo magacaabay James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah oo kasoo shaqeeeyay dalal badan oo Afrikaan ah, isla markaana hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha Arrimaha dibadda Maryekanka ee qaabilsan Afrika.

Wakiilka cusub ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa dalkiisa Mareykanka safiir uga soo noqday dalalka DRC iyo Jabuuti, waxaana uu bedelayaa wakiilkii hore Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay markii ay ku eedeysay inuu ku gefay Qaranimada Somalia.

Danjire James Swan,ayaa hore u ahaa Ergaygii gaarka ahaa ee Dawlada Maraykanka u qaabilsan Arrimaha somaliya James Swan sanadii 2011-2013

Waxaa Danjire james swan lagu xasuustaa inuu sameeyey siyaasada loo yaqaan Dual Track policy iyo mashruuca Faderaalka hirgalinta heshiiskii Roadmap iyo horumarinta nabadeynta Somalia.

Waa Danjire wax badan ka og arimaha siyaasada Iyo khilaaf-yada jira.

Magacaabida Danjire james swan waxay xoojinaysaa siyaasada dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraaliga ee awooda badan.

Xigasho:-Danjire Caalin