Madaxweyne Xaaf oo ka tacsiyeeyay geerida wakiilkii Qaramada midoobey Ee Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maanta magaalada Gaalkacyo waxa uu ku qaabilay Madax ka ka socotay Hay’adda UN OCHOA, kuwaas oo Gaalkacyo u tagay arimo la xiriira tacsida marxuum Maxamed Cabdi Khyre Vimto oo xalay lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Cabdi Khyre Vimto, ayaa Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Arrimaha Galmudug waxaana xalay toogasho ku dilay dabley aan heybtooda lagaran.

Wafdiga ka socday QM waxaa hoggaaminayey Madaxa UN-OCHOA Justin Bradley waxa ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo isagu ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sarkaalkii QM.

Madaxweyne Xaaf ayaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqaale ka tirsan UN-ka lagu dhex dilo Magaalada Gaalkacyo waxa uuna si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii uu ka baxay marxuum Vimto.

Ugu danbeyntii saraakiishii ka socotay UN-ka ayaa u balan qaaday Madaxweyne Xaaf in ay ka caawin doonaan dhanka amniga deegaanada Maamulka Galmudug, iyagoona xusay in si joogta ah ay u caawi doonaan guud ahaan Hey’addaha ammaanka Galmudug.