DEG-DEG: Madaxweyne Deni oo kala diray Golaha Degaanka Burtinle

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-28 ee Juun, 19, 2019, ku kala dirid Golaha Deegaanka ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda 
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha 
Deegaanka Degmada 
Burtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle.

2. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.