Xaggee bay ku dambeysey Akadamiyadii Tababrka Booliska Soomaaliyeed ee CARMO ? (Warbixin)

Shir looga hadlayey Xog-ururin ku saabsan QorshahaTayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuna baxayso lacag dhan $45,000,000 ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirada amniga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Shirka oo ayaa intii uu socday lagu lafa-guray Tayeynta Booliska Soomaaliyeed, waxaana dhinacyada kulanka joogay ay isla qaateen in Xarunta Tababarka Booliska ee Janeral Kaahiye ay tahay, tan kaliya oo dalka ka shaqaysa, kana soo baxaan Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno.

Sidoo kale, Dhinacyada ayaa meesha ka saaray inay jirto xarun lagu Tababaro Boolis oo kele inay ka shaqeyso Soomaaliya, taas oo shaki gelisay Akademiyada Booliska ee Degmada Carmo, sidoo kalena abuurtay tuhun ah in Wasaaradda Amniga Soomaaliya aysan u diiwaan-gashaneyn Xaruntan oo soo saarta Boolis badan oo Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxaa Dowladda Puntland oo Akedimayadda Carmo ay ku taallo Degaanadeeda, uga qeyb-galayay Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse.

Dadka Odarasa Arrimaha amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, ayaa aaminsan in Go,aanka kasoo baxay Shirkan ee ah in Xarunta Gen. Kaahiye, ay Gogal xaar u tahay in Meesha ay ka baxdo Tayada Booliska Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

IDIL NEWS