Hot Topics

Ra’isalwasaaraha Ingiriiska Ee xilka kasii dagaysa oo canbaaraysay hadalka Trump

Ra’isalwasaaraha Britain Theresa May ayaa cambaareysay hadalka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu haweenka ka tirsan aqalka Koongreska Mareykanaka oo aan ahayn caddaan uu ku yiri ‘Dib u laabto’.

Raisalwasaraaha Britain ee xilka ka sii tageyso ayaa hadalka Mr Trump ku tilmaantay ‘mid aan la qabali karin’, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay Mrs May.

Madaxweyne Trump waxaa uu yiri haweenka “asal ahaan ka soo jeedo waddama baaba’ ah oo ay dowlado ka jirin”.

Wuxuuna madaxweynaha hadalkaasi uu ula jeeday afar haween ah oo ka tirsan aqalka Koongreska mareykanka oo ay seddex ka mid ah ay ku dhahseen Mareykanka midda afaraadna ay Mareykanka tagtay iyada oo 12 jir ah.

Hadalka Trump oo camaareyn kulul caalamka looga soo jeediyey ayaa lagu tilmaamay inuu cunsuri yahay, hadalka cusub ee ka soo yeerayna uu yahay hadalladi cunsuriyadda ee horay looga bartay mid ka duwan.