Hot Topics

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Ciidanka Dowladda

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska ayaala sheegay inay ka hortageen weerar Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab xalay ku qaadeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo maalin ka hor ay la wareegeen Ciidamada DANAB.

Saraakiisha hogaaminaysa Cidiamada ku sugan Awdheegle ayaa SONNA u sheegay in ay ka dileen 4 ka tirsanaa Al-Shabaab  halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalka ay kala wareegeen Shabaab degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo.

Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen deegaano kale oo ay kaga sugnaayeen  Al-Shabaab,waxaana gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ka socda howlgallo ay Ciidamada Dowladda doonayaan inay kula wareegaan deegaano horleh.