Hot Topics

Mareykanka oo war kasoo saaray kulan dhex-maray Kheyre iyo Taliyaha cusub ee AFRICOM (Akhriso)

Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee lasoo gaabiyo AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdidsho, isaga oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota & Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

War-Saxaafadeed Africom kasoo baxay oo looga hadlayay booqasahda taliyaha Cusub ayaa lagu sheegay in booqashada Jeneraal Stephen Townsend ay tahay fursad lagu qiimeynaayo sida ay tahay  xaalada Soomaaliya, iyada oo la xoojinayo sida Africom uga go’an tahay danta Amniga ee dalalka Gobolka.

“Waa ay iga go’an tahay inaan wadashaqeyno,isla markaana aan iskaashigeena xoojino,Soomaaliya iyo xulufada kale,waxaan culeys joogto ah saari doonaa Ururada xagjirka ah,waxaana culeyska uu abuurayaa horumarka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ayuu jiri Jeneraal Stephen Townsend.

Sidoo kale, War-Saxafadeedka ayaa lagu sheegay in dadaalada Mareykanka ee Soomaaliya ay ku tacaluqaan tallaabo diblumaasiyadeed oo ah dhinaca horumarka iyo Gaashaandhigga iyo sida uu Mareykanka Soomaaliya uga caawinayo dhinac walba.

Ugu dambeyn ayaa War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab aysan laheyn awood ay ku weerari karaan mareykanka,laakin hadii ay fursad u helaan ay weerari lahaayeen,waxaana inta badan War-Saxaafadeedka looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Sahqooyinka horyaalla Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika.