VIDEO: Wasiir Oomaar “Ethopian uma kala socdaali karto Gobalada Soomaaliya”

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Dawladda Federaalka ah Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inaysan u kala gooshi karin magaalooyinka Soomaaliya dhexdooda diyaarada Ethopian Airlines, ganacsigaasna uu xiran yahay oo kaliya shirkaddaha duulimaadyadda Soomaalida.

Shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya ayaa dhowaan ka dacwooday tartan aan xalaal ahayn oo ay sheegeen inay kala kulmeen shirkadda Ethiopian Airlines, oo Bishii Hore duulimaad Toos ah ka bilowday Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.