Hot Topics

Booliska Baardheere oo toogtay Haweeney is qaraxin rabtay

Ciidammada ammaanka Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, ayaa maanta toogasho ku diley haweeney rabtey inay isku qarxiso saldhiga booliska degmada Baardheere.

Haweeneyda ayaa xilliga ay ciidanku toogteen, waxay ka soo degtay Baabuur Caasi ah oo ka yimid Magaalada Baydhabo, waxayna bambo ku tuurtey Ciidanka ilaalada ahaa ee ku sugnaa afaafka hore, Iyadoona halkaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 2 Askari.

Ciidanka Booliska ayaa Baaritaano ku sameeyey Meydkeedka Haweeneydan, waxaana laga soo saaray walxaha qarxa iyo Lambar sireedkeeda.