Hot Topics

Madaxweynaha Puntland oo u dhoofaya Dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta iyo Ujeedada Safarkiisa

Mdaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay u amba-baxaan Dalka Kenya.

Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Nairobi kulan kula yeelanaya xubnaha sare ee Beesha Caalamka, gaar ahaan Safiirada dalal ay kamid yihiin Mareykanka iyo Britain, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirada Beesha Caalamka ayaa kulankooda si gaar ah uga wada-hadli doona Xaalada amni iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya, Xasaradaha ka taagan qeybo kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, Doorashadii ka dhacay Kismaayo iyo Hirgelinta Nidaamka Dilmuquraadiyadda Puntland.

Waxaa ay si gaar ah diirada loogu saari doonaa Doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee lagu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo khilaafka ka dhashay, Iyadoona Madaxweyne Deni uu taageero buuxda u raadinayo Dowladda Cusub ee Jubbaland oo Xukuumadda Puntland horey u taageertay.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni iyo Safiirada Beesha Caalamka ayaa ka wada-hadli doona Nidaamka Dilmuquraadeyaynta Dowladda Puntland, oo Xukuumadda uu Hoggaamiye ay haatan dadaal ugu jirto, isagoona ka dalban doona inay fuliyaan Balanqaadkoodii hore ee Ku aadanaa Taageerada nidaamkan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa uga sii gudbi doona dalka imaaraadka carabta oo ay casuumad rasmi ah ka haystaan, isagoona la kulmi doona Madaxda sare Imaaraadka.

Madaxweyne Deni ayaa dib u dhigay safarkiisii Gobolka Sanaag, kaas oo uu xiriga uga jari lahaa Mashaariic hormarineed oo Degaanada Gobalkaas ay ka hirgelisay Xukuumadii ka horeysay ee Madaxweyne Gaas, uuna ku dhagax dhigi lahaa Mashaariic kale.